Posts

Showing posts from July, 2025

10 dabeecadood oo noloshaada burburin kara haddii adan iska reebin

Nolosha maanta waxay u baahan tahay xisaabtan, isbeddel iyo feejignaan. Qof kasta wuxuu rabo horumar iyo farxad, balse dad badan kuma gaarin sabab la xiriirta dabeecado xunxun oo naftooda ay la qabsatay. Maqaalkan waxaan ku soo bandhigayaa 10 dabeecadood oo haddii aadan iska reebin, si tartiib tartiib ah u burburinaya noloshaada. --- 1. Niyad-jab Joogto ah Markaad mar walba is leedahay “ma awoodo” ama “ma suurtagalayso,” waxaad naftaada ku cabbiraysaa xad. Horumarka wuxuu ka bilaabmaa kalsoonida. --- 2. Isbarbardhig naftaada iyo dadka kale Markaad dadka kale isku barbardhigto, waxaad illoobaysaa nimcada Alle kugu mannaystay. Noloshaadu ha noqoto mid gaar kuu ah, horumarkaaga ha noqdo mid adigu dhistay. --- 3. Kalsooni la’aan naftaada ku qabto Haddii aadan aaminin kartidaada, cid kale kuma aamini doonto. Qof walba wuxuu leeyahay hibbo iyo awood u gaar ah. --- 4. Is-xil-tira la’aan (masuuliyad la’aan) Markaad ku noolaato "ma dhibayee, iska iska daaye" – waxaad luminaysaa fursad...